Balli-Gubadle (SLpost)- Labaย Ruuxย ayaa ku dhintayย mid kalena waxa soo gaadhay dhaawac, ka dib markii sida la sheegay Duhurnimadiiย shalayย ay niman hubaysani rasaas ku fureenย Xaafado Xoolo-dhaqato ah meesha la yidhaahdo Dacawalay oo ka tirsan deegaanka Abbokor Axmed ee killalka shanaad ee Itoobiya.
Sida ay noo xaqiijiyeen qaar ka mid ah Odayaasha deegaanka gobolka Hawd, iska hor imaadka ayaa ka dhacay Tuulada Dacawalayย ooย dhinaca Galbeed kaga beegan Degmadda Abbokor Axmed oo ka tirsan deegaanka Ismaamulka Soomaalida Killalka Shanaad ee dalka Itoobiya..
Wararka laga helayno deegaankaasi waxa kale oo ay sheegayaan in is rasaasayntaasi ay ku dhinteen laba nin oo magacyadoodu kala ahaayeen Marxuum Yuusuf Axmed (Jees) iyo marxuum Axmed Muxumed Sheekh Xuseen, waxaana la caddeeyay in ay dhinteen, halka uuย dhaawac halis ahi soo gaadhay Yuusuf Qodax oo labadaasi marxuum la joogay. Meydka Labada marxuum iyo dhaawaca ninkaasi ayaa la sheegay in la soo gaadhsiiyay xalay ahaan degmadda Laanqayta oo ka tirsan killalka shanaad ee Itoobiya, halkaas oo Meydka labadaasi ninย lagu aasi doono.
Ma jiro illaa hadda wax war ah oo ka soo baxay dhinaca maamulkaย deeegaanka uu dilku ka dhacay iyo beelahaย uu dilkani dhex maray toona.
Bilihii ugu dambeeyay ayaa waxa degaankaasiย ka taagnaa cabsi iyada oo ay labada beelood ee ay ka soo jeedaan nimanka la dilay iyo kuwa dilka geystay,ย uuย dhawaan dhex marayย dagaal fool ka fool ah. Dagaalkaasi oo ku dhex marayย deegaanka Abbokor Axmed,ย ย waxaanaย dagaalkaasi labada beelood ka soo gaadhay khasaare dhimasho iyo dhaawacba isugu jira.
Somalilandpost.net
Editor@somalilandpost.et