Madaxweynaha Somaliland Oo Ka Hadlay Shirka Laascaanood iyo Mowqifka Xukuumaddiisa

0

Hargeysa (SLpost)- Madaxweybaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa rejo Fiican ka muujiyey natiijada ka soo bixi doonta Shirka magaalada Laascaanood uga socda Garaaddada iyo Waxgaradka Gobollada Sool iyo Buuhoodle.

Madaxweynuhu waxa uu Garaaddada iyo waxgaradka Laascaanood ugu baaqay wada-xaajood iyo wada-hadallo xal loogu raadinayo tabashada Shacabka iyo dhibaatooyinka Jira.

Madaxweynuhu waxa uu sheegay in qalaalasaha maanta ka jira Laascaanood ay sabab uyihiin Kooxo Argagixiso Caalami ah oo uu sheegay inay masuul ka ahaayeen dilalka loo geystay haldoorka gobolka Sool, waxaanu ballan-qaaday inay xukuumad ahaan goob fagaare ah ku soo bandhigayaan Shaqsiyaad loo hayo dilalkaas.

Md Muuse Biixi Waxa uu sheegay in Ciidanka Qaranka ee Somaliland gobolka ka ilaalinayaan kooxaas Argagixisada ah, sidaas awgeedna aanay Ciidamadu ka bixi doonin gobolka.

Muuqaalka Hoose Ka Daawo Khudbadda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

https://youtu.be/CmaeZRqNTNQ