Burjiga Adag, Dabeecadaha Yaabka Leh Iyo Mucjisooyinka Ku Lammaan Fardaha

0

Waxaa ka Sheekeeyey AHN Abwaan Siciid Maxamed Jaamac (Siciid-Biid)

 

Qalinkii Cali-Mahad Yuusuf

Qof kasta oo Aadami ahi marka uu ishiisu qabato muuqaal ama sawir Faras, cajalada garashadu waxay soo tuurtaa xusuusta ficilada lagu yaqaano,ย  sida orodka xawaaraha ย aan hakashada lahayn,ย  awooda Allaah siiyey ee qofka dushiisa saaran miisaankuu doono ha lahaadeeย  aanay culays ku ahayn, ayaaย  ย ku suntan maskaxda Aadamahaย  waana aragtida ay ka qabto Faraska.

Hadaba si aan wax uga ogaano dabeecadaha iyo habdhaqanka fardaha waxaan 11 Sano ka hor 9.2.2011. la kulmay Abwaan dhaqan-yaqaan ahaa oo khibrad weyn u lahaa aqoonta Fardaha,Allaah haw naxariistee Marxuumย  Siciid Maxamed Jaamac (Siciid-Biid) oo 29.11.2020 Ku geeriyooday Jigjiga, xiliga aan qoraalkan ka diyaariyeyna wuxuu macalinย  ka ahaa Dugsiga Sare ย Bursade ee Magaalada Berbera.

Abwaankan oo Waayihiisii Nololeed kasoo hawlgalay deegaano badan oo dhulka Af-soomaaliga lagaga hadlo ah, wuxuu dhalasho ahaan kasoo jeeday Degmada Taleex oo caan ku ah dhaqashada Fardaha, ilaa haatana laga heli karo Fardo isirkoodu ku arooro Dirkii DHOODI-MEER iyo XIIN FINIIN. Oo kamid ahaa Fardihii ย ugu caansanaa Cahdigii Daraawiishtii ย Sayid Maxamed Cabdule Xasan,

Alaah haw naxariistee Abwaan Siciid-Biid oo kamid ahaa raga fara-kutiriska ahย  ee wax laga weydiiyo aqoonta Fardaha.

Waxa ย uuย  ahaa dhaqan-yaqaan xogย  badan ka haya taariikho iyo dhacdooyinย  bulshooyinka Afsoomaaligaย  ku hadla soo dhexmaray,isla markaanaย ย  xafidsan tix iyo tiraab wixiiย  waayahaasi lays weydaarsaday,

Arimaha kale ee AHN Abwaan Siciid-Biid lagu xusuusto waxaa kamid ahaaย ย  Maansooyin dhowr ah, sidaan filayona abwaanka kasoo maaxday, horaantii sanadihii Sagaashanaadkii,ย  inkastoo ay ย aad u caanbaxday markii lagu baahiyey Telefishinada madaxa banaan, ย waa mudadii uu ku sugnaa Magaalada Jigjiga.

Maansadaย  ugu magaca dheerna waa GOOGAA ABWAANKOOW. Oo sida abwaanku sheegay ka koobnayd 630 tuduc, ย xaqiiqo ahaan waxay ย ku qotontay dhud suugaaneed oo farshaxan ah, baaq furan iyo fariin baahsan oo ku socday dhamaanba Hal-abuurada iyo Abwaanada suugaanta Afsoomaaliga ayaanay ahaydwaxaana isku arkay silsiladaasi ย 19 Abwaan.

Dhinaca kalena sida abwaanku sheegay waxaa jirey tiro Riwaayado ah oo uu Alifay, qisooyinka iyo sheekooyinka ay xambaarsanyihiin uu kaga sheekeeyay waraysiyoย  uu saxaafada siiyey,

Kaydka keliya ee laga reebay Abwaankana waxaa laga heli karaa dhowr Telefishin oo ay kamid yihiin SRTV iyo Astaan TV.Anigoo aad u hambalyeynaya dhamaanba suxufiyiintii iyo filimqaadeyaashii hawshaasi galay oo xaqiiqo ahaanbadbaadiyey, qayb kamid ah xogtii iyo xikmadii murti dhaadhigaasiย ย  oo marka si dhow loo tilmaamo ahaaย ย  Matxaf galbaday.

AHN Abwaan Dhaqan-yaqaanย  Siciid-Biid ooย  mihnadiisa Fanka ka sokow lahaa xirfad Bare-nimo waxa uu macalin suugaanta iyo cilmiga luqada soomaaligaย  ka noqday Dugsiyo, iyo Jaamacado dhowr ah. Xaqiiqo ahaana wuxuu ahaa Shaqsiyad qaali ahย  oo cid kasta oo aqoon u lahayd ย aanay ka xiiso-goyn jirin ย sheekadiisa, sanadihiiย  u dambeeyey noloshiisana wuxuu Barmaamij soo saare ka ahaa shabakada Warbaahintaย  Murti Media TV mudadii uu ka hawlgelaayeyna waxaa kusoo xidhmay kumanaan qof oo aad uga helay macluumaadka uu tebin jiray.

Badiba dhalinyaradii iyo asxaabtii ay isku barteen Magaalada Berbera oo mudo dhowr sanadood ah uuย  macalin ka ahaa, waxay tilmaameen inuu ahaa shaqsiyad aanay suurtogal ahayn in la helo qof u dhigma, ย oo buuxin kara dabeecadihii iyo hab-dhaqankii uu lahaa. Waayahaa uu macalinka kaย  ahaaBerberana waxaa loogu yeedhi jiray Naanaysta AWOOWO oo ahaydย  kelmad ย uu dadka ku odhan jiray.

Markaan hadaba usoo noqdo Sheekada Fardaha iyo sharaxada uu AHN Abwaanku ku xusay

  • Noocyadda Fardaha
  • Midabada ay yeeshaan oo saamayn ku leh tayada Faraska ama Geenyada
  • Qaababka orodkooda oo mid waliba leeyahay Magac u gaar ah iyo Asto
  • Qaar kamid ah xanuunada ku dhaca iyo sababaha ay ku yimaadaan iyo sidoo kale waxyaabaha lagu daweeyo ee dabiibka u ah.
  • Iyo sidoo kale arimo dhaqan ahaan aad laysaga ilaaliyo oo hadii ay dhacdana xaal iyo ganaax culus leh.. waana sheeko aad u yaab badan oo tilmaamaysa ixtiraamka iyo karaamada Fardaha.

Waxaanu sheekadiisii ku bilaabayย  farduhu waa xawayaan aad u burjiย  badan, soomaaliduna waxay tidhaahdaa โ€œwax booda oo markuu damco inuu soo dego intaanu dhulka gaadhin dib u noqda waxaa jira Faras iyo Libaaxโ€

Markalena inta noole alle abuuray waxaa ugu dhegawadanย  waa Faraska oo awoodย  u leh inuu maqlo jabaq amaย  sanqadh meel aad u fog ka baxaysa.

Hadiiba ay dhacdo inuu farasku dhib dareemo wuxuu dhaqso u toosiyaa ninka gacanta ku haya, sidoo kale xoolaha oo dhamiย  haday weel ku cabaan ma isticmaali kartid,ย laakiin fardaha waad ku weysaysan kartaa, sababtoo ah farduhu way luqluqdaan marka ugu horeysa ee ay biyaha afka saaraan,

Arimahaasina waxay ka dhigeen in Soomaaliduย  u aqoonsado Gobta xawayaanka, oo aan lagu arag fal saqajaanimo oo dadku ku nacaan,

sida badan dadka reer miyiga waxa ugu muhiimsan ee ay dhaqdaan waa Geella, ย oo qoyska aanu kasoo dareerin xagooda uu gun ka yahay, balse marka Faras la kala iibsanayo,ย  ย qiimaha ugu hooseeye ee la kala siisto waa Todoba qaalmoodย  oo ugub ah,

sidoo kale wax xaal laysu siiyoย  waxaa ugu qaalisan waa Hablaha,ย  waxaana ku xiga Fardaha, sababtoo ah Fardaha waxaa loo aqoonsan yahay Teknikadda Dagaalka, ninka aan faras lahayna haduu 300 Halaad u dareeraan, waxaa ka xarago qaada wiil keliya oo Faras ku jooga. Hadii aanay difaac fardooley lahayna si fudud baa looga didsan karaa.

Arimaha dhaqankii hore ee soomaalida ku jirayeeย  hadiiba ay dhacdoย  xaalka badanย  lagu kala qaadoย  waxaa kamid ah Hadii Ninku Inaadeerkii ama saaxiibkii ย uu Faras ka kaxaysto, marka uu soo celiyo haduu yimaado Gurigii oo ragii ka maqan yahay, waxaa reeban inuu Faraska Haweenka u dhiibo,

Waxaana ka yaala xeer hadii la jebiyo ganaaxiisa leh.dhinaca kalena marka Geenyadu dhasho ee lays weydiinayo neefka ay dhashay erey bixinta la isticmaalaaย  wuxuu noqdaaย  Geenyadii maxay umushay, iyadoo afka laga dhowrayo in xawayaanka kale lagala meel dhigo.

ย  Noocyada Fardaha ku dhaqan Dhulka Afsoomaaliga waxay u qaybsamaan Saddex

1-Boqonweyn ama Galbeedi

2-Wajeer

3-Sunaari

Wajeer iyo boqonweyn markii la shirabay waxaa tartankii kusoo baxay nooca Wajeeri, hase ahaatee fardaha sunaari kuma dherersan karaan (lama beretemi karaan) waayo neef sunaari ah haduu aad u kicitimaayo ย ama uu ku jiro xawli ma dhici karto inaad aqoonsado qofka saaran ama neefku mid uu yahay,ย  waxaana halkaasi ka cad, sidaย  ay u kala dheereeyaan oo kaalinta koowaad uu leeyahay nooca sunaari, ama qoobyaraha oo asal ahaan laga helo Deegaanka Nugaal.

Kaalinta 2aad waa Faraska Wajeeri, halka 3aad uu gelaayo Faraska Galbeedi ama Boqonweynaha.

Arimaha kale ee saamaynta ku leh Noocyada Fardaha waxaa kamid ah tababarka labada qaybood ee Wajeer iyo Boqonweynahaย  marka la jarabarayo, ninka macalinka ama jarabaruhu wuxuu ku dul baraa 3-5bilood,ย  halka faraska sunaariga ah lagu dulbaro sanad iyo sideed bilood waa mudo gaadhaysa sanad iyo lixbilood.

MIDABADA FARDAHA

Midabada fardaha ayaa iyaguna lagu fasiraaย  inay qeybweyn ku leeyihiin, orodkooda iyo mid walbaย  awoodiisa dhinaca deegaanka ama goobta uu marayo, tusaale ahaan waxaa jira faras ay dhib ku tahayย  meesha dhagaxa leh, iyo mid dhulka ciida badan marka uu ordaayo socodkiisa waxย  iska bedelaan, AHN xeeldheeraha aan sheekadan ka qoray wuxuu tilmaamay inta uu isagu indhihiisa ku arkay ilaa 15 Nooc oo kala ah:

1- BOODย ย ย ย ย ย  ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย  6- CAYNABย ย ย ย ย ย ย  ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย  11-BAROOR SUULAL MADOW

2- ASHKIRย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย  ย ย ย  7- BUR-CIIDย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย  ย ย ย ย  12- CUSBAA-WIIR

3- QAAJEย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย  ย ย ย  8- DHUUX-CADย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย  ย ย  13- BAROOR CIID

4- XAMARย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย  ย ย ย  9- DHIMBIILย ย ย  ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย  14- CUSAYB-NOOR

5- GUULAAMOย ย ย ย ย ย ย ย  ย ย ย  10- CAS-BAROORย  ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย  15- CIR-BICIIDย 

ย 

Hase ahaateeย  Gabaygii Sayid Maxamed Cabdule Xasanย  ee caynlayda wuxuu AHNย  Abwaan Siciid-Biid ku tilaamay inuu sifaynayo ilaa 45 midab oo Farduhu leeyihiin.ย  Midabka Baroorka la yidhaahdo oo noqon kara Faras ama Geenyo waa ka ugu muhiimsan dhamaan.

In badan waxaynu maqalnaa magaca Senge, waa Faras isagoo yar la dhufaanay markay beretan noqotana, waxaa ag iman kara darmaan garabweyn ah oo aan weli Farasย  kutin, sidaa si lamid ah raga Fardaha ku xeeldheeri waxay isku raacsanyihiinย  Sange Baroor ah mooyee wax kale ma hawaysan karo darmaan Garabweyn ah.

KOORAHA FARDAHA

Farduhu waxay leeyihiin heenseย  waa agabka ugu muhiimsan ee aan laโ€™aantood la fuuli karin heensuhu wuxuu ka kooban yahay 9 shay oo kala ah koore markuu isku dhanyahay ka kooban afar qaybood oo kala ah.

1-Geed la qorayย  ย  ย  ย  ย  ย  ย  ย  ย  ย  ย  ย  ย  ย  6-Yaar ama Xakame

2- Harag loโ€™aad laga shaqeeyeyย  7-Hoos dhig

3-Rakaabย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย  8-Korsaar

4-Wegeradย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย  9-Shalmad ka samaysan marada Shaalka

5-Jare

ย 

ORODKA FARDAHA

Hadaynu jaleecno orodka iyo qaababka kala jaadka ah ee lagu yaqaano oo mararka qaarkood xarrago iyo quruxda socodkooda indhaha aad usoo jeedo AHN abwaan Siciid-Biid oo ah Macalinka waaya araga ah ee Sheekadan aan ka qoray wuxuu tiriyey 7 Nooc oo kala ah

1-Kadleย  ย  ย  ย  ย  ย  ย  ย  ย  ย  ย 4-Gaagufย  ย  ย  ย  ย  ย  ย  7-Xawli

2-Cidilaabย  ย  ย  ย  ย  ย  ย  ย  ย 5-Kacdin

3-Jeefagย  ย  ย  ย  ย  ย  ย  ย  ย  ย 6-Xawaare

Intaas oo u kala horeysa sidey isugu xigaan marba marka ka dambaysa ayuu sii kordhiyaa, socodkiisa waxaa jira laba hab oo loo fuulo Fardaha waxaanay kala yihiinย  LEEDO iyo HEENSO.

Dhinaca caafimaadkaย  xaalado dhowr ah oo hadaan cida Faraska watadaaย  ka taxadarin sababi kara xanuuno halis ah oo ku dhaca ayaa jirta, marka uu farasku galo orodka nooca loo yaqaano KACDIN ma neefsado. Raga aqoonta u lihina marku mudo sidaa ku hayo intuu qabto ayuu neefta kasii daayaa.

Hadii kale waxaa Faraska ku dhaca oo aan seegin cudur la yidhaahdo FUDROOR, daaweyntiisuna waxay ku qaadataa hawl badan waxaana qasab ah sagaal ama toban wan oo ahmin ah, inaad u qasho wan kastaana siduu u dhan yahay xitaa dhiigiisa oo la karshimay ayaa la cabsiinayayaa.

Waxaa kalooย  jira cudur ย Soomaalidu u taqaano DARFAC oo kaga dhaca feedhaha, xanuunkan waxaa sabab u ah marka in mudo ah lagu fuulo mir laโ€™aan. Waxaana lagula tacaalaa subag Idaad, qisada yaabka leh waxay tahay iyadoo aan loo quudhin dawada ugu dhow oo ahย  Dab, balse waxaa dhacda in faraska xanuunsanaya meelย  lasoo joojiyo, goob dhowr talaabo u jirta oo u muuqadana waxaa la keenaa dameer, kadibna intii meelood ee faraska dabka lagaga dhufan lahaa, waxaa lagu dhejiyaa Dameer aan waxba qabin/ jiritaanka qisadana wuxuu tusaale usoo qaatay AHN abwaanku heesta ย CUDURKA KAA GALA FARDAHA HADII LAGA GUBO DAMEER. gabagadiina waxaan leeyahay Rabbi haw naxariisto oo ha u nuuro Xabaasha Cidkastoo Nasiib u yeelada Qormadan Akhriskeedana waxaan si aad ah uga codsanayaa in loo duceeyo Marxuumkaas, Allena uga barino inuu Dembigiisa dhaafo Naxariistii jano ka waraabiyo.. Aaamiin

 

Qalinkii Cali-Mahad Yuusuf