Washington (SLpost)- Xoghayaha Amniga gudaha ee dowladda Mareykanka Alejandro Mayorkas, ayaa shaaca ka qaaday in dadka Soomaalida ah ee aan haysan sharciga dowladda Mareykanka iney sii joogi karaan gudaha dalka Mareykanka mudo sanad iyo lix bilood oo kale.
Muddo kordhinta 18-ka bilood ah ee loo sameeyay Soomaalida aanan heysan sharciga Mareykanka ayaa ka bilaabaneysa 18-ka bisha March ee sanadkan 2023-ka, waxayna ku egtahay 17-ka bisha September sanadka soo socda ee 2024, taasoo la sheegay iney keentay in markale Soomaaliya loo asteeyey inay tahay waddan ay dhibaato ka taagan tahay.
“Mareykanku wuxuu awood u yeelan doonaa inuu gabood ilaalin ah siiyo Soomaalida. Colaadaha iyo dhibaatooyinka bini’aadantinimo ee socda, oo ay wehliyaan musiibooyinka dabiiciga ah, cudurrada, saameynta argagixisada, dambiyada, rabshadaha iyo dagaallada u dhexeeya maleeshiyo beeleedyada awgood ma awoodi karaan inay ku laabtaan dalkooda” ayuu yidhi xoghayaha Amniga Gudaha dalka Mareykanka Mayorkas.
Tallaabadan muddo kordhinta ah ayaa u oggolaanayso ku dhawaad 430 oo qof oo Soomaali ah inay ka faa’iidaystaan oo ay sii joogaan Maraykanka ilaa 17-ka bisha Sebtembar ee sanadka soo socda 2024, haddii ay buuxiiyaan shuruudaha sharcigan oo ay dhawaan shaacin doonto dowladda Mareykanka, isla markaana ay sharraxaad dheeraad ah ka bixin doonto.