Wajigii Koowaad Ee Dhigida Beebka Biyo Balaadhinta Hargeysa Oo Dhamaaday iyo Gudida Arimaha Bulshada Ee Golaha Wakiilada Oo Soo Indha Indheeyay

0

 

Hargeysa(SLpost)-Wajigii koowaad ee beebkii biyo balaadhinta Hargeysa ayaa la dhamaystiray waxaana haatan la bilaabayaa ย wajigii labaad, gudida arimaha bulshada ee golaha wakiilada ayaa soo indha indheeyay iyada oo shaqadu ay socoto, waxaana halkaas warbixin ku siiyay maareeyaha wakaalada biyaha Hargeysa Ibraahim Siyaad Yoonis ย waxaana hadaladiisa ka mid ahaa ย โ€œFarxad ayey noo tahay in gudoomiyaha iyo ku xigeenka gudida arimaha bulshada ee golaha ย wakiiladu ay halkan nala joogaan ย iyga oo soo indho indheynaaya ย sida mashruuca biyo balaadhinta caasimada Hargeysa ay u socdaan ย xafiiska ayey saaka noogu yimadeen war bixin ย ku saabsan qaabka shaqada ayaynu siinay Ilaa hada waxaa dhamaadey waa qeybtii kowaad oo la dhameeyey 2 km Iyo 200 m Sabtidana waxaa la ย bilaabi doona qeybtii labaad ย ย qeybta saddexaad oo kor u socon doontana waa la dhagax dhigi doona hawshi ilaa hada si wacan eyey ย u socotaa.โ€

mm 5(420) 10(255)

Sidoo ย kale waxaa isna dhinaciisa ka Hadley una mahad naqey mareeyaha gudoomiyaha gudida arimaha bulshada ee golaha wakiilada Somaliland xildhibaan Xassan Cawaale Ceynan waxaana hadaladiisii ka mid ahaa ย โ€œRuntii mareeyuhu waxaa uu na soo mariyey goobo badan ย oo markaas biyo dhigis ah waxaa kale ย oo uu na soo mariyey ย qeybta kale ee ay yalaan qalabku, ย waxaa ย kale oo uu na soo mariyey goobihii la ย soo marinayey oo inta badan iminka la soo dhigay ย oo iminkana aanu dul taaganahay ย iyada oo la dhigaayo shaqale badana ay ka shaqeynayaan ย runtii aad iyo aadna waan ugu mahad naqeynaa mareeyaha wakaalada biyaha hargeysa oo hawshan xil weyn iska saaray.โ€

Biyo balaadhaintan Hargeysa ayaa la filayaa inayw ax weyn ka tari doonto biyo yaraanta ka taagan inta badan magaaladda.