Hayley Okins waxa loo sheegay inaanay nolol ku gaadhayn daโda 13 jirka. Inantan yari waxa haleelay xannuun dunida ku yar oo la yidhaahdo Progeria kaas carruurta yaryar ka dhiga inay gaboobaan ka hor inta aanay gaadhin daโda dhalinyar-nimada.
Laakiin imika oo ay u dabbaal-degayso sannad-guuradeedii 14aad ee daโdeeda, waxay iska dhego-tirtay dhammaan caqabadaha ku xeeran nolosheeda waxaanay munaasibadda sannad-guuradeeda 14 ku lammaanaysay wanqalka buug cusub oo ay kaga warramayso taariikh-nololeedka, waxaana qayb ka mid ah cutubyada buuggaas kaalin laxaad leh ka geysatay hooyadeed oo ka caawisay sidii ay ula soo tacaashay wakhtigii ay sabigas ahayd.
Sida ay kala siman tahay carruurteeda daโdeeda ah, buugga ah qortay oo ay ugu magac-dartay OLD BEFORE MY TIME, waxay ku sheegaysaa rabitaankeeda inay noqoto Jilaa caan ah iyo sida ay ku nacday inay dugsiyada tagto.
Laakiin, haddana waxa uu ka warramayaa aragti qoto-dheer oo laga qaadan karo sida ilme yar u asiibi karo xannuunkan oo Hayley ka dhigay inay jeelato jidhka islaan 105 jir ah.

Progeria waxa magaceeda laga soo qaaday kelmad Giriig ah โproerosโ oo micnaheedu yahay โHor u gabowgaโ waxaanu xidhiidh la leeyahayย nooca barootiinka loo yaqaanno progerin kaas oo dedejiya daโda muuqaalka duleed ee jidhka. Waxa uu jidhka daโdiisa ka dedejiyaa siddeed laab inta caadiga ah kaas oo gabadhan yar oo Hayley ka dhigay inay yeelato maqaar dhuuban oo jilicsan iyo lafo taag-daran.
Carruurta uu xannuunkani asiibo sida caadiga ah waxa ay u dhintaan wadno-istaag ama jaalij wakhtiyada daโdoodu gaadho 13-jirka.
Hayley oo ku nool magaalada Bexhill, Bariga Sussex ee dalka Boqortooyada Ingiriiska, waxa ay 14-jirsatay bishii December ee sannadkii hore waxaanay inta la ogyahay ay ka mid tahay 89 carruur ah oo kula nool 32 oo adduunka ah kuwaas la nool xannuunka progeria.
SOMALILANDPOST.NET
webmaster@somalilandpost.net